4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Madaxweynaha Turkiga oo xarig jaray isbitaalka ugu weyn Yurub

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)-  Madaxweyanaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xarigga ka jaray isbitaalka ugu weyn Yurub oo laga dhisay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Isbitaalka Bilkent City  , oo lagu dhisay qiyaastii 1 bilyan oo euro, waxaa lagu qalabeeyay 3,810 sariirood wuxuu leeyahay 131 qol oo lagu fuliyo qaliinadda, 904 qol oo bukaan jiif, wuxuu qaabili karaa 30,000 oo bukaan iyo 8,000 oo bukaannada xaalad deg deg ah.

Waxaa kalo ku yaalla garoon diyaaradeed oo ay ka soo degi karaan kana duuli karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca,iyadoo xilli horaba isbitaalkan lagu tilmaamay midka saddexaad ee caalamka oo dhan ugu weyn.

"Sidii aan u sameynay warshadaha difaaca, waa in aan ka badbaadinno waddankeena ku tiirsanaanta shisheeye ee dhinacyada daawada iyo tiknoolajiyadda," Erdogan ayaa sidaas yidhi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]