3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo amar ku soo rogay Jaamacaddaha dalka

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka.

“Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan uu dhici doono 11 ilaa 16-ka bisha May ee soo socota.

“Sannadkan imtixaanka waxaa u fadhisan doona 45 kun oo ardey, dhammaan gobollada dalka 11-16-ka bisha May ee soo socota, wasaaradda waxay soo gaba gabeysay maalintii shalay dhammaan wax kasta oo ku saabsana imtixaanka, ardeyda sannadkan ka baxeysa dugsiga sare waxay korodhay boqolkiiba 20-tan taasna waxaa ugu wacan nabadda’ayuu yiri wasiir Goodax.

“Dhamma an hay’addaha kale ee  dowladda waxaan ka rabnaa inay nagala qeyb qaatan ilaalinta imtixaanka sidii markii horaba noogala qeyb qaadan jireen, dowladda goboleedyada, maamulada iskuullada iyo waalidiinta waxaan ku boorinaya inay kaalintooda ka qaatan qabsoomida imtixaanka qaran”ayuu yiri  Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda waxbarashadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin laha waxbarashada dalka iyo qabsoomida imtixaanka sannadkan.

Wasiir Goodax ayaa ka codsaday maamulada gobolada dalka in ay kala shaqeeyaan qabsoomidda imxitaanaadka, gaar ahaana dhanka xaqiijinta amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/14/2019 11:50 PM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Qof hubaysan ayaa goor dhaw weerar ku qaaday Masjid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

3/14/2019 3:14 PM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Dabley aan haybtooda la aqoonsan ayaa askari ka tirsan ciidanka asluubta caawa ku diley waqooyiga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

3/14/2019 2:46 PM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Madaxweyanaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xarigga ka jaray isbitaalka ugu weyn Yurub oo laga dhisay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

3/14/2019 2:23 PM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Puntland ayaa usoo jeedisay dowladda federaalka in laga qaybgeliyo wadahadallada Soomaaliland, xilli wadahadallada ay muddo hakad ku jiraan.

3/14/2019 10:45 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)-Munaasibadan oo lagu qabtay hotel Casuura ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan bahda aqoonyahanka, maamulka degmada, bahda aftahanka iyo qaybaha dadweynaha gobolka Sool.

3/14/2019 9:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhigiisa kula qalibmay duleedka degmadda Bali-mataan ee gobolka Hawd.

3/14/2019 9:10 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa xalay ansixiya xeer soo afjaraya ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalka Yemen iyo taageerada ay Washington siiso isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

3/14/2019 8:52 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Madaxweyne Biixi oo xalay khudbad dheer u jeediyey jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya lagu balansan yahay 19-ka bishan wadanka Ganna ee caasimadiisa Accra.

3/14/2019 4:41 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Qarax ka dhashay gaari Saaruf ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa goor dhaw ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama meel aan ka fogeyn Isgoyska Shaqaalaha.

3/14/2019 4:27 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka fulin doonaan Barnaamij lagu kordhinaayo horumarada Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan 94 Milyan oo Dollar

3/14/2019 3:42 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Barta Facebook ee ay bulshadu ku xiriirto ayay soo wajahday ciladdii ugu waynayd taariikhda, iyadoo adeegyadii ugu mihiimsanaa ay cilado galeen, dadka dunida kala jooga ee isticmaalana ay adeegsan waayeen Arbacadii.

3/14/2019 3:15 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)-Kaddib qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo maalintii shalay ka dhacay deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay ayuu maamulka Koonfur Galbeed ku baaqay dagaal ka dhan ah xarrakada Al-shabaab.

3/14/2019 2:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in Mareykanku ku biiray dalalka mamnuucay isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX, kaddib burburkii diyaaradii Ethiopian Airlines oo ay ku dhinteen 157 ruux.

3/14/2019 1:57 AM EST
Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa ka hadlay duqeymihii ugu danbeeyay oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.