Arbaco, June, 26 2019 (HOL)- Xuska 59 guuradii ka soo wareegtay maalintii
Ingiriiska ka qaateen xoriyadda Somaliland ee 26 june ayaa xalay lagu xusay magaaladda Hargeysa,
waxaana ka soo qaybgallay madax iyo shicib faro badan oo xusayey maalintan.
Munaasibadda loogu dabbaaldegayo
sannad-guurada 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay
madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenkiisa,
mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweynihii hore ee
Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirguddoonka goleyaasha
guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, garyaqaan
Aadan Xaaji Cali, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI,
qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiillo ka socda
dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda,
xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor, haween, badiba labeenta bulshada reer
Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga
jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo
taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay.
Xubno ay kamid yihiin
guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji
Ismaaciil Jirde, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, wasiirka
wasaaradda horumarinta beeraha, mudane Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee
wasaaradda gaashaandhigga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Abwaan Maxamed Aadan
Dacar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay
munaasibadda 26-ka June u leedahay guud ahaanba ummadda reer Somaliland iyo
sida ay mudan tahay in wax badan laga barto taariikhda ku duugan.
Madaxweyne Biixi oo munaasibadda
loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii
1960-kii, ayaa ugu horrayn ka hadlay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo
sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika
ee ugu taariikhda dheer.
“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo
bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula
saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu
halkiisa kaga saxeexday qodobbada ah, annagu isticmaar noqon maynno, dushaad
naga ilaalinaysaa, dhulkayaga kuma dhali kartid, markaannu ku nidhaahno naga
tagna waad naga tegaysaa. U mallayn maayo dal Afrikaan ah oo intaas haleelay
inuu jiro, taariikhduna halkaasay kasoo bilaabantaa,” ayuu yidhi madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu
si gaar ah carrabka ugu adkeeyey shuruudaha aan la aqbali Karin ee ay dawladda
Sucuudigu ku xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in ganacsatada
reer Somaliland ee xoolaha dhoofiyaa go’aan ku gaadheen inaanay u hoggaansamin
shuruudaha uu sucuudigu dhoofinta xoolaha Somaliland ku hoos geeyey Soomaaliya,
isaga oo dhammaanba dadka ka ganacsada dhoofka xoolaha Somaliland-na usoo
jeediyey inay taageeraan go’aanka ay ganacsatadaasi ku taageereen qarannimada
Somaliland.
Madaxweyne Biixi waxa uu dawladda
Itoobiya ka tacsiyadeeyey saraakiishii iyo siyaasiyiintii la laayey, waxana uu
sheegay inay xukuumad ahaan dareenka xanuunka leh la wadaagayaan shacabka iyo
xukuumadda Itoobiyaba.
Ugu dambayntii waxa calanka
Somaliland la saaray markii ay saacaddu ahayd ahayd 12:00-kii Habeennimo, iyada
oo uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Somaliland.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.