3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Maxkamadda ICJ oo muddeysay xilliga la dhageysanayo dacwada Badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya


Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Maxkamadda caalamiga ah ee  cadaaladda (ICJ) ayaa ku dhawaaqday xilliga ay dib u billaabeyso dhageysiga kiiska Soomaaliya ay u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.

ICJ ayaa war qoraal ah oo xalay ka soo baxay waxaa  lagu sheegay  in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodda labada dhninac ee xuduudda badda. Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay muddo dheer, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2019-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go'aan ka gaari karto. Dood dheer kaddib, bishii February ee sannadkii 2018-kii ayay maxkamadda cadaaladda caalamka go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Hoos ka akhri qoraalka maxkamadda oo Af Ingiriis ku qoran;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/26/2019 11:13 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Madaxda Dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud.

6/26/2019 10:58 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL)-Maxkamad ku taalla caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa waxaa ka soo muuqday dhowr qof oo loo haysto falal argagixisanimo iyo eedeedo kale oo la xiriira iskudaygii xilka looga tuurayay dawlad goboleedka Amxaarada ee Itoobiya.

6/26/2019 10:47 AM EST
Arbaco, June, 26 2019 (HOL)- Xuska 59 guuradii ka soo wareegtay maalintii Ingiriiska ka qaateen xoriyadda Somaliland ee 26 june ayaa xalay lagu xusay magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay madax iyo shicib faro badan oo xusayey maalintan.

6/26/2019 10:26 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubna ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.

6/26/2019 10:19 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa socdaal dhulka ah ku maraya deegaannada gobolka Galgaduud ee dowlad-gobolleedka Galmudug.

6/26/2019 9:36 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho.

6/26/2019 5:06 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL)-Dowladda Dalka Iiraan ayaa si cara leh ug ajawaabtay go’aankii dowladda Mareykanka ee ku aadanaa xayiraada hogaamiyaasha Iiraan,iyo saraakiil sar sare kuwaasi oo laga xayiray in wax galangal ah ay ku yeeshaan suuqa dhaqaalaha Caalamka.

6/26/2019 5:04 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi ee dalka, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed.

6/26/2019 4:55 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL)-Degmada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Galmudug waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre

6/26/2019 4:54 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Munaasabad loogu dabaal-deggay sannad guurada 59-aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo ,iyadoo ay ka qeybgaleen madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, guddoomiyaha Baarlamaanka ee maamulka , mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.

6/26/2019 1:27 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL)-Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warqad been abuur ah oo Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka Maxamed Cabdqaadir Hilaal.

6/26/2019 1:17 AM EST
Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.