4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Xiisada Mareykanka iyo Iiraan oo gaartay meeshii ugu sareysay

 

Arbaco, June, 26, 2019 (HOL)-Dowladda Dalka Iiraan ayaa si cara leh ug ajawaabtay go’aankii dowladda Mareykanka ee ku aadanaa xayiraada hogaamiyaasha Iiraan,iyo saraakiil sar sare kuwaasi oo laga xayiray in wax galangal ah ay ku yeeshaan suuqa dhaqaalaha caalamka.

Waxaana talaabadaasi qaaday madaxweyne Donalda Trump,si looga jawaabo soo riditaankii diyaaradii aan duuliyaha layan ee Mareykanka ee lagu soo riday hawada sare ee gacanka Hormuuz ee Khaliijka,balse Iiraan ay sheegtay in lagu soo xadgudbay hawadeeda.

Abbas Mousavi  oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha ee dalka  Iiraan ayaa sheegay in talaabada Mareykanka uu ku beegsaday hogaamiyaha  ruuxiga ee dalkaasi Iiraan Aayatulah Cali Khameni iyo saraakiil sare oo  ka tirsan dowladu ay ka dhigan-tahay in uu soo xirmay albaabkii wada  hadalada dhinaca Diplomaasiyadda ee Mareykanka iyo Iiraan.

Geesta kale  John Bolton  oo ah la-taliyaha dhanka amniga Qaranka ee  madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay Iiraan in ay ogolaatay wadahadalada si  loo dhameeyo khilaafaadka diplomaasiyadeed.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Mareykanku uu qorsheynayo in wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif liiska xayiraada uu ku rado.

Hassan Ruuxaani oo ah hoggaamiyaha dalka Iiraan oo ka hadlay  talaabadaasin ayaa xusay in ficil xun ay tahay in la beegsado  Aaayahtulah iyo saraakiisha sare ee Iiraan,wuxuuna xusay in  hoggaamiyahaasi oo 80 jirka ah uusan doonayn in uu u safro dalka  Mareykanka.

Madaxweyne Ruuxaan oo telfoonka kula hadlay dhigiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay in hadii mareykanka uu ku xadgudbo sohdimaha Iiraan, ay ciidamada difaaca Iiraan ay qabaan amar ah in ay ka hortagaan Qatar kasta.

Mowjidaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe ayaa cirka isku sii shareeray wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nuclearka Iiran iyo quwadaha caalamka.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]