4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Ra'iisal wasaare Kheyre oo maanta ku sii jeeda degmada Cadaado

 

Arbaco, June, 26, 2019 (HOL)-Degmada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Galmudug waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Wafdiga oo isugu jira, xildhibaano ka tirsan labada Gole ee  Baarlamaanka,Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa safar dhinaca dhulka ah  waxaa ay uga soo ambabaxeen Magalada Dhuusamareeb iyaga oo ku sii jeeda degmada Cadaado.

Socdaalka ra'iisal wasaaraha ayaa qeyb ka ah sidii mas'uuliyiinta dowlad gobolleedka Galmudug ee kala fadhiya Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado loogu qancin lahaa doorashada lagu wado 4ta bisha July in ay ka dhacdo deegaannada Galmudug, waxaana Cadaado ku sugan madaxweynaha dowlad gobolleedka Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa Maanta aad loo adkeeyy,waxaana safarka  Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegi doono ay ku soo aadeyso xilli magaaladaas  oo sanad iyo bilooyin kadib uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]