4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay in xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Batroolka

 

Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warqad been abuur ah oo Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka Maxamed Cabdqaadir Hilaal.

“Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal”

“Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale.”ayaa lagu daabacay Warbaahinta Qaranka.

Qoraalka la soo dhigay y baraha bulshada ee xilka qaadista wasiir ku xigeenka Batroolka ayaa timid kadib markii sidoo kale baraha bulshada lagu faafiyay warqad ka soo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka Batroolka taasoo sheegeysay in shaqo joojin lagu sameeyay Agaasimihii Guud ee wasaarada Batroolka iyo Macdanta Karar Shukri Domey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]