4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Xuska 26 June oo xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo


Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Munaasabad loogu dabaal-deggay sannad guurada 59-aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo ,iyadoo ay ka qeybgaleen madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, guddoomiyaha Baarlamaanka ee maamulka , mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfurgalbeed Soomaaliya ,  Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa xafladda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoona Ku dheeraadey taariikhada xornimada gobollada waqooyi, oo ka soo wareegatey 59-sanno, wuxuu marka hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hadal dheer ka jeediyay munaasabadda, wuxuu ku dheeraaday muhiimada ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay maalmaha xoriyadda, isagoo marka u rajeeyay bulshada Soomaaliyeed midnimo iyo isku duubni bulsho.  

Munaasabaddan ayaa furitaan u ah toddobaadka xorriyadda dalka, iyada oo maalmaha 26ka Juun ilaa 1-da Luulyo ay yihiin maalmo qiimo weyn ku leh sooyaalka umadda Soomaaliyeed iyo halgankii gobonnimo doonka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]