Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabnimadii maanta gaaray magaalada Beledweyne iyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa goor dhaw [Caawa] si wada jir ah warbaahinta ula hadlay iyaga oo ku sugan xarunta maamulka gobolka Hiiraan.
newsinside Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay geeridii maalintii shalay ku timid taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macoow Xalane oo uu ku amaanay in uu ahaa shaqsi howlkar ah muhiim –na u ahaa nabad-galyada deegaannada Hirshabeelle.
Wuxuu sheegay in dadkii falkaasi geys-tay qaarkood sida uu hadalka u dhigay la soo xiray halka dhinaca kalana baaritaan lagu hayo haddii ay jiraan dad kale oo ku lug lahaa falka uu taliyuhu ku dhintay.
Madaxweyne Waare ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay guddi dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u saaray barista arintan, sidoo kalana dhinacooda soo magacaabi doonaan guddi heer Wasiirro oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo qeyb ka noqda baarista kiiska u ku dhintay taliye Macoow.
Mar uu soo hadal qaaday dibadbax-yadii maanta ka dhacay magaalada ayuu sheegay in dadku xor u yihiin in ay muujiyaan afgaartooda, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyo xasiloonida, isaga oo balan-qaaday in wax walba ku dhamaan doonaan si wanaagsan..

Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka
Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo dhinac fadhiyay madaxweynaha ayaa soo dhaweyn
kaddib sheegay in durbaba la bilaabay baarista shaqaaqadii uu ku dhintay taliye
Macoow, islamarkaana uu ka filayo in ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan Cadaalladana la waafajin doono.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa caawa ku hooyanaya magaalada Beledweyne oo maanta ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata, hasse ahaatee xaalada guud ahaa magaalada ayaa caawo ah mid deggan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]