4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo booqday saldhigga ciidammada Puntland ee deegaanka Af Urur


Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) –  Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqashadii u horreysay ku tagay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, halkaa oo labadii toddobaad ee u dambeysay ay maamullayeen ururka al-Shabaab.

Ciidammada Puntland oo dabayaaqadii bishii hore isaga baxay deegaanka ayaa shalay dib ugu laabtay, waxaana wafdiga madaxweyne ku-xigeenka uu hoggaaminayay ka mid ahaa wasiirka amniga , guddoomiyaha gobolka Bari, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin kale.

''Waxaanu u soo qastiney dhufayskaas aad ku jirteen ilaa 2010 kii oo aad u adkaysateen saa u difaacdaan dalkiina inaanu idiinku nimaadno,Alle ha u naxriisto intii naftooda ku weydey iyagoo di faacayadalkooda, intii ku dhaawacantayna Alle ha u boogadhayo, waanu u nimadsidoo kale inaanu idinla soo aragno halkaas aad ku jirtaan, waad fuliseen balanqaadkiinii, waad fulindoontaan inta naftu idinku jirto,waadna ku amaanantihiin." ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la hadlay saraakiisha ciidammada Puntland ee deegaanka ku sugan.

''Waxaan ballanqaadaynaa ka dowlad ahaan wixii aanu qaban karno inaanuu qabano, wixii naga tanbatana inaanu idinku soo noqono illeen dalka waawada leenahay eh oo aad xogogaalnimadeeda iyo ixtiraankeeda aadyeelataan'." ayuu ku daray.

Docda kale, wuxuu madaxweyne ku-xigeenka Puntland kullamo la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan-qaaday in si deg deg ah loo howl gelidoono baahiyaha ka jira deegaanka ee ay soo gudbiyeen, waxaana uu bulshada Af Urur kula dar-daarmay inay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidammada ammaanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]