3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne iyo is-mari-waaga siyaasadeed ee sababay gacan ka hadalka

 

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Waxaa isa soo taranaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Hiiraan, gaar ahaan guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo wali ku adkeysanaya in uu yahay gudoomiyaha gobolka kaddib markii wareegto ka soo baxday madaxweynaha Hirshabeelle xilkii looga qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaanno ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka in ay arrimahooda ku dhameystaan wada hadal, iyaga oo ka digay iska horimaad kale oo ka dhacay magaalada.

Dagaal maalintii shalay ka dhacay deegaanka Kala-Beyr ee dulleedka magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow halka sidoo kalana lagu dhaaacay ku-xigeenkiisii.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Maxamed Caraale ayaa arintaan ku eedeeyay in uu ka danbeeyay Yuusuf Daba-geed oo dhinaciisa wali wax war ah soo saarin.

Guud ahaan marka la eego xaalada magaalada Beledweyne iyo deegaankii shalay dirirtu ka dhacday ayaa degan, waxaan ilaa xalay soconayay wada hadalo ay qeyb ka ahaayeen waxgaradka magaalada oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
  













Click here
6/12/2019 4:51 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabnimadii maanta gaaray magaalada Beledweyne iyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa goor dhaw [Caawa] si wada jir ah warbaahinta ula hadlay iyaga oo ku sugan xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

6/12/2019 3:57 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xerada Tababarka Jen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay argagaxisada uga xoraynayaan deegaannada ay uga dhuumaalaysanayaan dalka.

6/12/2019 12:50 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) - Khilaaf ayaa ka taagan sida loo buuxinayo booskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cali Aaareeyo oo ka tirsana golaha Wakiiladda Somaliland.

6/12/2019 12:24 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan.

6/12/2019 12:21 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa galabnimadii maanta ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/12/2019 6:00 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Taliyaha Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed, Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa sheegay in maxkamadda ciidammada qalabka sida lagu wareejiyay baaritaan uu guddi uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ay ka sameeyeen iska hor imaad billowgii bishan ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

6/12/2019 3:41 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada amniga ee lagu taageerayo xasillinta Soomaaliya iyo dagaalka al-Shabaab.

6/12/2019 3:16 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Ilmo shan jir ah oo qaba cudurka Ebola ayaa laga helay gudaha dalka Uganda, sida ay xaqiijisay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.

6/12/2019 2:59 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqashadii u horreysay ku tagay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, halkaa oo labadii toddobaad ee u dambeysay ay maamullayeen ururka al-Shabaab.

6/12/2019 2:05 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) –Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay iska horimaad shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kaas oo uu ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.

6/12/2019 1:44 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)–Waxaa soconaya baaritaan la xiriira habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan.