Baaritaan lagu sameynayo habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Waxaa
soconaya baaritaan la xiriira habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska
gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay
deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan.
Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla
oo horay u soo noqday taliyaha Booliiska degmada Beleweyne ayaa sheegay in ay
wadaan baaritaan la xiriira dilka taliyaha, hasse ahaatee waxa uu dhinaca kale
sheegay in si hor dhac ah ay u ogaadeen in taliyaha iyo ku-xigeenkiisa si toos
ah loo toogtay iyaga oo aan wax rasaas ah ridin.
‘’Waxa aan ognahay ilaa iyo hadda
waa in taliyaha iyo ku-xigeenkiisa si toos ah loo bartilmaameesaday iyadoo
aysan wax xabad ah ridin ciidamadii la socday, arintaasina waxa ay aheyd xad
gudub iyo qalad weyn oo la galay’’ ayuu yiri Col Cali Dhuux.
Laakiin waxaa uu sheegay in
baaritaanku intaa ka badan yahay oo wali la raadinayo macluumaad la xiriira
sida falku u dhacay.
‘’Dabcan marka goob lagu
dagaalamo warar kala duwan ayaa ka soo baxay, wali baaritaanku waa uu socdaa,
marka macluumaadka oo dhan la helo ayaan soo bandhigi doonnaa’’ ayuu hadalkiisa
sii raaciyay.
Taliyaha dhintay ayaa dhawaan loo
dalacsiiyay xilka qeybta Booliiska gobolka Hiiraan isaga oo horay u ahaa
taliyaha saldhiga Booliiska magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]