4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2019
Maxkamadda ciidammada qalabka sida oo lagu wareejiyay natiijada baaritaan iska hor imaad khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Xamar weyne



Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Taliyaha Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed, Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa sheegay in maxkamadda ciidammada qalabka sida lagu wareejiyay baaritaan uu guddi uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ay ka sameeyeen iska hor imaad billowgii bishan ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Iska horimaadka oo dhacay labadii bishan June ayaa waxaa ku dhintay qof shacab ah iyo askari ka tirsan ciidammada xoogga Soomaaliya , iyadoo oo uu ku dhaawacmay sarkaal kale iyo qof shacab ah.
Kiiskaasi ayaa Madaxweyne Farmaajo , wuxuu u xilsaaray Guddi Baaris ah oo Guddoomiye looga dhigay Taliyaha Ciidanka Asluubta , Bashiir Goobe maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay baaritaanka kiiskaasi laga sameeyay.

"Labadii bishan Xamar weyne waxaa ka dhacay israsaaseyn qof shacab ah ku dhintay iyo  askari ka tirsan ciidammada Xoogga, waxaa kale oo ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidammada xoogga, Ciidanka Booliska iyo Shacab, Madaxweynaha wuxuu wareegto ka soo saaray Guddi arrintaas baara oo xaqiiqadeeda ogaada, Guddigaasi oo aan aniga Guddoomiye u ahay, Muddo dheer aan baaris sameynay kaddib aakhirkii waxaan soo gaarnay gun gaarkii, wax Alle wixii ka soo baxay waxaan ku wareejinaynaa maxkamadda Ciidamada Qalabka." ayuu yiri Bashiir Goobe.

Iska horimaadkii ka dhacay degmada Xamar weyne oo ku beegnayd dabaqayaadii bishii Ramadaan, ayaa saraakiisha Booliska waxa ay ku sheegeen in lagu dilay rag burcad ahaa oo Ciidanka ka tirsanaa, kuwaasi oo dhac gaysanaayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]