3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Muran ka taagan sida loo buuxin lahaa booskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland

 

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) - Khilaaf ayaa ka taagan sida loo buuxinayo booskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cali Aaareeyo oo ka tirsana golaha Wakiiladda Somaliland.

Cida buuxin lahayd booskan uu ka geeriyooday xildhibaanku ayaa muran ka dhashay ka dib markii xisbigii UDUB ee uu ka soo baxay xildhibaanku uu ka dhamaaday kaydkii xisbigaasi u kaydsanaa hadii uu xildhibaan jagada baneeyo ku soo gali lahaaa, sidoo kale, xisbiyada kale kaydka u yaala ma buuxin karaan xisbi kale boos uu leeyahay, xeerkana kuma yaalla haddi arrintani oo kale dhacdo waxa la yeelayo.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay cidi buuxinayn booskaasi,isla markaana sidaas u banaanan doono inta doorasho kale dhacayso.

"Saddex Xisbi ayaynu Leenahay oo waxa xisbi kastaba jira xildhibaano u soo baxay iyo xildhibaano kayd u ah,markaas nin kasta oo dhinta ninkii ku xigay ayaa soo buuxiya,nasiib daro waxa dhamaaday kaydkii xisbigii UDUB soo buuxin lahaa hadii xildhibaan baneeyo booskiisa, sidaas darteed kursiga uu baneeyay xildhibaan Cali Aareeye wax kayd ah oo ku qorani majirto”ayuu yidhi Gudoomiye Baashe, waxaanu intaas ku daray “ wuu banaanaan doonaa kursigaasi uu ka geeriyooday xildhibaanku inta doorasho cusub la galayo”.

Mar kale isagoo ka jawaabay in xisbiyad kale ee Kaydkooda wali aanay ka dhamaan buuxin karan iyo in kale, waxa uu yidhi “Xisbi Xisbi looma bedeli karo oo xisbi waliba isaga ayaa codkiisa leh markaas xildhibaano lays amaahiyaa ma jirtee xisbi waliba waxa uu leeyahay kayd waxaana kaydka loogu sameeyay waxa weeyi inaan la helin xildhibaan xisbi kale u wareega.”.

"Markii horena looma samayn sharci odhanaya maxaa laga yeelayaa hadii uu dhamaado kaydka xildhibaanadda xisbiyadda ay leeyihiin,markaas sharciga dambe ayaa lagu dari doonaa waxa laga yeelayo hadii kaydku dhamaado.”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada hadda jooga ayaa la doortay sanadkii 2005-kii, waxaanay muddo dheefeen saddex teeram oo doorasho la gali lahaa, taas ayaa keentay in xisbiyada qaar uu dhamaaday kaydkii buuxin laha hadii uu xildhbaan xisbigooda ahi kursiga baneeyo.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.
  













Click here
6/12/2019 4:51 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabnimadii maanta gaaray magaalada Beledweyne iyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa goor dhaw [Caawa] si wada jir ah warbaahinta ula hadlay iyaga oo ku sugan xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

6/12/2019 3:57 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xerada Tababarka Jen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay argagaxisada uga xoraynayaan deegaannada ay uga dhuumaalaysanayaan dalka.

6/12/2019 12:24 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan.

6/12/2019 12:21 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa galabnimadii maanta ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/12/2019 6:00 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Taliyaha Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed, Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa sheegay in maxkamadda ciidammada qalabka sida lagu wareejiyay baaritaan uu guddi uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ay ka sameeyeen iska hor imaad billowgii bishan ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

6/12/2019 3:41 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada amniga ee lagu taageerayo xasillinta Soomaaliya iyo dagaalka al-Shabaab.

6/12/2019 3:16 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Ilmo shan jir ah oo qaba cudurka Ebola ayaa laga helay gudaha dalka Uganda, sida ay xaqiijisay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.

6/12/2019 2:59 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqashadii u horreysay ku tagay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, halkaa oo labadii toddobaad ee u dambeysay ay maamullayeen ururka al-Shabaab.

6/12/2019 2:05 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) –Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay iska horimaad shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kaas oo uu ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.

6/12/2019 1:44 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)–Waxaa soconaya baaritaan la xiriira habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan.

6/12/2019 1:30 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Waxaa isa soo taranaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Hiiraan, gaar ahaan guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo wali ku adkeysanaya in uu yahay gudoomiyaha gobolka kaddib markii wareegto ka soo baxday madaxweynaha Hirshabeelle xilkii looga qaaday.