4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya


Isniin, July,15,2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe uga furay shir weynaha madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Shirka waxaa ka qeybgalaya dhammaan wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo xubno matalaya hay'adaha dowlad-gobolleedyada iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Jaamac Faarax Muuse , wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaradaha Puntland ayaa furitaankii shirka ka sheegay inay Puntland soo dhaweynayso martigalinta shirkan oo uu ku tilmaamay mid muhiimad u leh horumarinta iyo shaqaaleysiinta, waxaa kalo uu caddeeyay Puntland inay qeyb ka tahay dowladda federaalka ayna diyaar u tahay in la wada-hadlo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go'antahay in shaqo abuur qaran loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed, si taas loo gaaranaya ay muhiim tahay wada-shaqeyn dhex marta dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.

"Waxaa na hor taalla shaqo ballaaran oo ah sidii aan dhallinyaradeena shaqo ugu abuuri lahayn .. barnaamijkan madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, wuxuu u gogol xaaraya sidii lagu gaari lahaa shaqo abuur qaran." ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa oo marka caddeeyay bulshada Soomaaliyeed inay shirkan ka sugeyso si wadajir ah in looga soo saaro sidii loo abuuri lahaa siyaasadda shaqo ee dalka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalin ah ayaa gabagabadiisa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro qorshe qeexaya mustaqbalka shaqo iyo shaqo abuur ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]