4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Ireland


Isniin, July,15,2019 (HOL)-Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga mudane Axmad Ciise Cawad oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriyadda Ireland ayaa si maqaamkeedu sarreeyo waxaa loogu soo dhaweeyay Dublin-Ireland, isagoo markuu garoonka diyaaradaha ka soo degayba wasiirka iyo wafdigiisaba loo galbiyay xarunta wasaarada arrimaha dibadda Ireland, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka (The Tánaiste) ahna wasiirka arimaha dibadda dalka Ireland, Simon Conveney.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, iyadoo wasiir Cawad uu u fidiyay dhigiisa Irish-ka casuumaad uu ku yimaado dalka Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka ayaa intuu joogay Dublin kulamo la yeeshay hay'adaha samfalka Ireland kuwooda Somaliya ka shaqeeya sida Trocare iyo Concern.

Gaba gabadii,wasiirku wuxuu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ireland, kulan kaas oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayay Jaaliyaddu uga warbixisay wasiirka noloshooda iyo caqabadaha haysta ee ay doonayaan in dawladda Soomaaliya ka caawiso, sida arrimaha la xiriira helitaanka Baasaboorada iyo cadaymaha jisniyaydeed. Arimahaas oo wasiirku kasiiyay Jaaliyadda jawaabo ay ku wada qanceen.

Kulanka wasiirka iyo jaaliyadda ayaa kusoo dhammaaday casho furan, farxad iyo is macsalaamayn loo wada dhanyahay.

Kudun Musse
[email protected]
Ireland.