4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Ethiopian Airline oo duulimaadkii u horreeyay ku tagaysa Garoowe

Isniin, July,15,2019 (HOL)-Shirkadda duulimaadka ee Ethiopian Airline ayaa goor dhow la sugaya inay duulimaadkii u horreeyay ku timaado magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Qabanqaabada munaasabad daahfur ah ayaa ka socota garoonka diyaaradaha ee Garoowe, halkaa oo lagu wado inay kaga qeybgalaan mas’uuliyiinta Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u sheegay billowga duulimaadkan inuu qeyb ka qaadanayo isku xirka Puntland iyo dunidda inteeda kale.

Ethiopian Airline waxaa ay horey duulimaadyo ugu tagi jirtay caasimadda Muqdisho iyo Hargeysa,waxaana shirkaddan ay ka mid tahay kuwa ugu ballaaran ee duulimaadyada Afrika.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]