4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Dhul gariir ku dhuftay gobolka Bari

Isniin, July,15,2019 (HOL)-Dhul gariir halbeegiisu ahaa 5 rektar iskeel ayaa la sheegay  fiidnimaddii xalay inuu ku dhuftay deegaan 106 mayl dhanka Waqooyi galbeed kaga toosan degmadda Bereeda oo u dhow degmadda Caluula ee gobalka Bari.

Warbixinta la xiriirta dhul gariirka ayaa waxaa tabisay  hay’adda Maraykanka ee sahminta jiyoolajiyadda , waxaana ay hay’adda sheegtay  inuu dhul-gariir ka dhacay duleedka Breeda abaarihii 07-dii iyo 12 daqiiqo ee fiidnimadii xalay, wuxuuna ubucda dhul-gariirka ahaa ilaa 10 km oo  xagasha waqooyi ahayd 13.3039 digirii iyo fogaanshaha 50.449 digirii ee cabirka masaafadda u dhexeysa bariga cirifka waqooyi ilaa cirka Koonfureed.

Dhul gariirka xalay ka dhacay duleedka degmadda Bareeda ayaa la sheegay inuu ahaa mid qafiif ah, lamana soo sheegin khasaaro soo gaaray dadka ku nool deegaankaasi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]