4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Mareykanka oo dadka sharci darada ku jooga soo Qab-qabanaya

 

Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Olole lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalkan maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalkan oo dhan Axaddii shalay.

In ka badan 2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la mastaafuriyo.

Ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee  Maraykanka Matt Albence ayaa sheegay in ay beegsanayaan shaqsiyaad gaar  ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo  doon, kuwaasi oo qaadiyadda maxkamadaha ee arimaha soo galootigu ay  diideen kiiskooda.

Matt Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan  dadkaa la soo qabqabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda.

Waxaa kor u sii kacday cabsida ay qabaan dadka soo galootiga ah ee ku  nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku  galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]