Xisbiga Midnimo Qaran oo u dabaaldegay Shan Sano Guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay


Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HOL)- Xaflad si Heer Sare ah loo soo agaasimey islamarkaana lagu Xusayey Sannad Guurradii 5 –aad ee ka soo Wareegtey Aas-Aaaskii Xisbiga Midnimo Qaran ayaa waxaa lagu qabtey Magalada Muqdisho, waxaa ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro , Madaxda Xisbiyada ka dhisan dalka , Bulshada rayidka, Odayaal, Culimaudiin iyo Marti sharaf lagu martiqaaday munaasbadaas .

newsinside Xubnihii ka Hadley Xafladaas ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Naadiga Talo Wadaag Cabdulaahi Nuur Gacal , waxaana uu sheegey in Xisbiyada looga baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ka Gudbiyaan Nidaamka 4.5 kaasoo uu sheegey in uu Caqabad ku yahay Nidaamka Dowladnimo , sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Xisbiga Midnimo Qaran in uu ka shaqeeyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed.

Xubnihii kale ee iyana ka hadlaey Xafladaas lagu Xusayey Sannad Guuradda 5-aad ee Xisbiga Midnimo Qaran waxaa ka mid ahaa Aadan Warsame Xaarato oo u mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Munaasabada, wuxuuna u soo jeediyey Xisbiga Midnimo Qaran in uu ka dhabeeyo magaca uu wato Xisbiga oo aj Midnimo oo uu isku keeno Ummada Soomaaliyeed .

“ Aad baan uga Xumahay in dalka uu yeesho Xisbiyo Badan waayo ummada Soomaaliyeed uma Baahna Xisbiyo Tira badan, hadii aan laga hortagin waxaa la mid noqonayaa Nidaamka 4.5 sidoo kale Xisbiyada hadii aysan Dalka u Horseedin Doorasho Qof iyo Cod waxay keeni kartaa in uu dib u dhac uu yimaado isagoo sheegey in Baarlamaanka uu marmarsiyo u helaayo in uu sameeyo Muddo Kororosi” sidaa Waxaa yiri Xildhibaan Zakeriye Xaaji Maxamuud

Sidoo kale waxaa Xafladaas ka Hadley Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxay u mahadcelisey Dhamaan intii isku soo dubaridey Xafladaa sidoo kale waxay u soo jeedisey Xisbiyada Wadanka haatan ka jira in Yeeshaan Wada shaqeyn islamarkaana ay dadaal u galaan sidii dalka Nabad lagu soo dabaali lahaa dhinaca kale waxay Tacsi u dirtay Ummada Soomaaliyeed iyadoo uga Tacsiyadeysey Geeridii ku timid Alaha u Naxatriistee Cismaan Cilmi Boqore.

Cali Maxamed Nuux Tima Jilac oo ah Xiriiriyaha Xisbiyada oo isna halkaa ka Hadley ayaa waxaa uu sheegeu in Bulshada Soomaaliyeed aysan marnaba qaadan doonin in Taako ka mid Dhulkooda la qaato, sidoo kale waxaa uu tacsi u direy Ummada Soomaaliyeed isagoo ugu Tacsiyadeeyey Geeridii ku timid Alaha u Nxariistee Cismaan Cilmi Boqore .sidoo kale waxaa Munaasabdaas ka Hadley Gudoomiyaha Hayada la talinta Xisbiyada iyo Dimoqaraadeynta Faarax Dharaar wuxuu isna hambalyo u direy Xisbiga Midnmo Qaran.

Ibraahim Seyfulaahi oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Midnimo Qaran  oo ka Hadley Xafladaas  ayaa ka warbixiyey Xaaladihii uu soo marey Xisbiga Midnomo Qaran gaar ahaan Shantii Sanno ee uu Xisbiga uu dhisnaa   waaa uu sheegey in Xisbiga u jeedkiisu yahay sidii Dalka Somaaliya uga dhici lahayd  Doorasho Qof iyo Cod kaa soo uu sheegey in lagu gaari karo.

Waxaa ugu danbeyntii munaasabada ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran  Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi  waxaa uu u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey  Xaflada  isagoo sheegey in ujeedka Xisbiga uu yahay sidii Dalka looga Gudbi lahaa Nidaamka dib noo dhigey ee 4-.5 sidoo kale waxaa uu ku Booriyey Xisbiyada kale ee Dalka ka jira in qof kasta waxa uu qabtey lagu abaalmariyo iyadoo intii ay socotey Munaasabadaas   waxaa Heeso Wadani ah ka qaadey Fanaanada weyn  Musli mo Qaasimo Hilowle

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]