
Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HOL)- Ol ole nadaafadeed ayay maanta si wada jir ah u fuliyeen dhalinyarta Soomaalida ee Barbaarta iyo dhalinyarta Oromada oo Qeero, waxaana ol olahan nadaafadeed laga fuliyay xaafadaha gandagaraado iyo meelaha u dhaw xaafadahaas.
newsinside Hawshan nadaafadda oo ay dhalinyartu iskood isu xilqaameen ayaa ahayd mid ay ku muujinayeen is dhexgalka labada dhinac ee Soomaalida iyo Oromada, iyagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya la isla shaqayn doono oo lawada socon doono.
Dhalinyartan ayaa ahaa kuwo xilliyadii ay magaalada Diridhabe dhibku ka jiray isku dhacsanaa oon is arki karin balse waayadan dambe u ekaa kuwo isku soo dhawaanaya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]