4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2019
Senator sheegay in Xildhibaan Boqorre toddobaad ka hor laga kaxeystay ilaaladiisii

 

Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HOL)-  Senator Xusseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in toddobaad ka hor ciidamadii ilaalada u ahaa laga kaxeystay alle ha u naxariisteen xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay gallinkii danbe lagu dilay magaalada Muqdisho.

Senator –ka ayaa intaa ku daray in xildhibaanka la dilay ay ka wada tirsanaayeen Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

‘’ Xildhibaanka oo aan kulanay toddobaadka hor wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama taliska ciidamadaBooliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegay”ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan ayaa inta badan khudbadiisa Baarlamaanka waxaa uu ku boorin jiray xidhibaannada in ay ka soo baxaan hotellada iyo madaxtooyada oo ay degaan xaafaddaha dhaxdooda si bulshadu ugu kalsoonaato madaxdooda.

Wuxuu uu degnaa degmada Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho inta badanna waxaa la arki jiray isaga oo si xor ah isaga dhaxmaraya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray laamaha amniga in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo cida ka danbeysa dilka xildhibaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]