
Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HOL)- Shacabka ku nool magaalada Diridhabe ayaa waxaa dhibaato ku noqotay saacadda laydhka ee kaarka loo isticmaalo oo guryaha qaar ku xidhan.
newsinside Saacaddan laydhka ee kaarka loo isticmaalo ayaa lacagta lagu shubto maalmo kaddib kaa go'ayaa laydhkii. arrintaasna waxaa ay noqotay mid dhibaato ku ah dadkii siiba dadka danyarta ah.
Magaalada Diridhabe ayaa waxaa guryaha qaar ku xidhan saacadda noocan oo kale ah, halka guryo badan ku xidhan yihiin noocii hore oo iyadu bishu markay dhammaato lacagta lagugu soo qoro un aad bixinaysid, oo ka yar midda saacaddan cusub lagu isticmaalayo.
Saacaddan ayaa waxaa lasocda Kaar ay xarunta laydhku qofka ugu shubto hadba inta uu rabo ee awoodiisa ah, balse dadkii danyarta ahaa ayay dhibaato ku qaba arrintan
Dawladda Fadaraalka oo iyadu maamusha Laydhka ayaan dhibaatadan waxba ka qaban.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]