Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HOL)- Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee Africom ayaa war ka soo saaray llaa Afar weerar oo xalay ay ka geysteen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

newsinside Taliska ayaa qoraal uu ku baahiyay bogga Twitterka ayaa lagu sheegay in weerarada laba kamid ah ay ka dhaceen deegaanka Kuunya Baroow, mid kale lala eegtay Awdheegle, halka weerarka Afaraad  uu ka dhacay deegaanka Janaale.

Mareykanka waxa uu sheegtay iney baabi’iyeen goobo Shabaabka ay Canshuuro ku qaadi jireen, wuxuuna khasaraaha ku sheegay oo kaliya dhimashada laba dagaalame oo Shabaab ah.

Howlgalka oo saqdii dhexe ee xalay dhacay ayaa Mareykanka waxaa uu sheegtay in ay hoggaaminayeen ciidamada Soomaalida, iyaguna taageerayeen oo kaliya.

Al-Shabaab oo qirtay jiritaanka weeraradaas, ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in khasaare uu ka soo gaaray duqeynta, waxaana ay tilmaameen in duqeynta ka dhacday Kuunya Barow ay waxyeelo gaarsiisay dad shacab ah, isla markaana ay ku dhinteen saddex ruux oo mid carruur ahaa, Macalin Dugsi iyo qof deegaanka ah, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo laba kale.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]