Taliska Booliiska oo sheegay in dad loo xir xiray dilkii xildhibaan Boqorre

 

Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HOL)-Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dilkii shalay galinii danbe degmada Kaaraan loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

newsinside Jenaraal C/llaahi Xasan Bariise oo ah taliyaha Hoggaanka Canshuuraha  ee ciidamada Booliska ahna madaxa Warfaafinta ee booliska oo shir  jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay sameeyeen  howlgal lagu baadi goobayo soo qabashada Kooxihii dilka geystay.

Waxaa uu sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen  gaari ay tuhunsan yihiin inuu yahay midkii ay wateen ragga dilka  geystay, sidoo kale howlgalka ayuu tilmaamay iney ku soo qabteen laba  qof oo mid uu ahaa darawalka gaariga la soo qbatay.

Wuxuu sheegay in ay xabsiga dhigeen eedeysanayaasha la hayo, iyagoo filaya  inay bixiyaan xog horseedi karta in cadaalladda la horkeeno kooxdii  dishay marxuum Boqore.

Marxuumka la dilay oo ahaa Xildhibaanka ugu  da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya, waxaa uu soo  noqday guddoomiye ku-xigeenkii Baarlamaankii KMG.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]