4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Puntland oo soo saartay digniin ku aadan Roobab dabeylo wata oo degaanadeeda kusoo wajahan
 

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa shacabka Puntland uga digaytay roobab wata dabaylo oo ku soo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya (Garacad, Eyl, Suuj, Bayla).

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Roobabkaan dabeylaha wata ay gaari karaan gobollada oo dhan maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha.

Duufaantaan oo magaceeda la yiraahdo SIX ayaa wax yeelaynkarta dadka, xoolaha, beeraha, iyo agabka kalluumaysiga.

Warbaahinta Hiiraan Online ayaa ahayd warbaahintii ugu horeysay ee shaacisa warkaan, iyadoo soo xiganaysay jaraa'id ka faallooda arrimaha isbedelka cimilada iyo saadaasha hawada.

Digniintaan cusub ayaa kusoo beegmaysa iyadoo haatan Puntland la dhibaatoonaysay waxyeeladii ka dhalatay Roobab dabeylo watay oo dhawaan ka da'ay degaanada xeebaha kuyaala.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online