Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale digniin culus ka soo saartay Fatahaaddo hor leh oo ku dhufta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladu ka digeyso fatahaado horleh oo ka dhaca Soomaaliya,iyada oo la cabsi qabo inay da’aan roobab xoog leh.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay heegan buuxa gelisay Hay’adaha qaabilsan Gurmadka deg dega iyo ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee ka dhalan kara Roobabka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]