4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Mareykanka oo $ 5 Milyan oo dollar ku bixinaya madaxa labo Sarkaal oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ku bixineyso lacag dhan $ 5 Milyan oo dollar madaxa Labo sarkaal oo lagu magacaabo Omar Shafik Hammami iyo Jehad Serwan Mostafa kuwaa oo ka tirsan Ururka Al-shabaab islamarkaana u dhashay dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa gaar ahaan sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu abaabulay Weeraro badan oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana uu ka mid yahay Shaqsiyaad Khatarta ku ah Ammaanka Afrika.

Dowladda Mareykanka waxaa ay sheegtay Jehad Serwan Mostafa in uu yahay  Shaqsiga kaliyah ee u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-qaacida iyo  Al-Shabaab Muwaadininiinta Mareykanka ee ku jira.

Jehad Serwan Mostafa ayaa Al-shabaab ku biiray sanadkii 2006dii lana dagaallamay Ciidamadii Itoobiya ee isla sanadkaas faragelinta ku sameeyay Soomaaliya.

Ninka kale ee lagu magacaabo mar Shafik Hammami ayaa isna ku biiray Ururka Al-shabaab  sanadkii 2006dii isaga oo u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab dhinaca dacyaada iyo qorista dhalinyaro taqaana Luuqada Ingariiska isaga oo adeegsanaya qoraalladiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa horay sidan oo kale u balanqaaday in ay dhaqaale ku bixineyso madaxa xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo qaarkood markii danbe lagu bartilmaameedsaday gudaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]