Madaxweynaha Waare oo ka tacsiyeeyay mas'uuliyiintii Qaraxa lagu dilay ee Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr
Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka
Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed
Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir
Cabdiraxmaan Baraf oo labaduba Qarax lagula eegtay duleedka Garoonka Bali-doogle
ku geeriyooday.
Madaxweynaha Hirshabelle
oo ku hadlaya Afka Golayaasha Hirshabeelle ayaa tacsi u diray Guud
ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabeelle, eheladii, qaraabadii,
asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay Ka ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed
Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Baraf oo Ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur
Galbeed Soomaaliya.
“’’Innaa Lillaahi wa
inaa Ileyhi Raajicuun, aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada
Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax
badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle" ayuu yiri
Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Dowlad
Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey
inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna
samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuum Xildhibaan Axmed
Cabdi Faarax Kabweyne ayaa waxaa uu baarlamanka Hirsheelle ku soo biirey
dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo la unkay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]