4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2018
Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xildhibaan Hirshabeelle oo Qarax lagu dilay

 

Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Wasiiru-dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo ambabaxeen Garoonka Balli-doogle, halkaasoo uu maanta booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wasiirka Qarax ku geeriyooday oo lagu lagu magacaabayay C/qaadir C/raxmaan Cali Baraf ayaa waxaa la geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabayay Axmed Cabdi Faarax Kaboweyne oo ay gaari wada saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa qaraxa miino ku geeriyooday Ilaalada la socotay ee galbineysay kolonyada Wasiiru dowlaha iyo Mas’uuliyiinta kale oo ku sii jeeday degmada Afgooye.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay kaga tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wasiiru-Dowlihii Amniga Maamulkaasi iyo xildhibaanka Hirshabeelle.

Wasiiru- Dowlaha Amniga Koofurgalbeed C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar ku tagay garoonka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Afgooye, balse inta ay wadada ku soo jireen ayay la qaraxday Miino dhulka lagu aasay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]