4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2018
Soomaaliya oo laga dalbaday in ay wax ka qabato nidaamka sahlaya dambiya aan la ciqaabin ee ka dhanka ah Suxufiyiinta


Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Kulan looga hadlayay xaalada xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo xoriyatul qowlka ayaa shalay lagu qabtay xarunta QM ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kulankan oo ay soo abaabuleen Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa kasoo qeyb galay ergada ka qeyb galaysa fadhiga 37aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM kuwaasoo ka kala yimid daafaha caalamka.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo ka hadlay kulankan ayaa ka hadlay xaalada adag ee khatarta leh oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan. “Dhibaateynta iyo caburinta suxufiyiinta waxay noqotay mid caadi ah oo aanba loo arkin in ay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo xaqqa dastuuriga ah ee uu muwaadinka suxufiga ku leeyahay dalkiisa” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

“Xariga, cagajugleynta, dilka, iyo weerarada wejiyada badan ee lagu hayo suxufiyiinta waxaa ka sii daran in loo diidan yahay in ay ku shaqeeyaan duruufo wanaagsan oo ay xaq u leeyihiin. Hadaan la xerin ama la dilin suxufiga, waxaa lacag lagu bixinaa sidii uu madaxbanaanida saxaafada uga tanaasuli lahaa” ayuu ku daray Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Cumar Faaruuq Cusmaan waxaa uu tilmaamay in madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan wax lug ah ku laheyn xadgudubyada loo geysanayo suxufiyiinta iyo caburinta lagu hayo xoriyatul qowlka iyo xaqa dastuuriga ah ee ay suxufiyiinta u leeyihiin in si madaxbanaan u maamushaan ururkooda ayadoon lagu faragelineynin balse ay jiraan masuuliyiin heer hoose oo ku tagri falaya xafiiska lagu aaminay, shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo dastuurka dalka.

Ernest Sagaga, madaxa Xuquuqul Insaanka ee ururka caalamiga ah ee IFJ ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay meel si aan kala go’ laheyn loogu dhibaateeyo suxufiyiinta. “Sidaan ugu ol-oleyneynay difaacitaanka amniga suxufiyiinta oo aan u laheyn haddii dowlad la helo dhibka ay ku jiraan suxufiyiinta waa laga baxaya ayaa waxaa ayaan daro noqotay in dadkii dowladda ku jiray ay iyaga hor kacayaan dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta iyo ururkooda” ayuu yiri Sagaga.

“Waxaan cadeyneynaa in IFJ ay si buuxda u taageersan tahay ururka xubinta ka ah ee NUSOJ si aan kala har laheyn ayna ku dadaali doonto sidii loo xaqiijin lahaa madax-banaanida, xoriyada iyo amniga suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayuu raaciyay Sagaga oo ku hadlayay magaca Ururka Suxufiyiinta Adduunka.

Xiriiriyaha Ururka mideeya ururada shaqaalaha Afrika ee loo yaqaano ITUC-Africa Joel Odigie ayaa ka sheegay kulanka in xuquuqda ay suxufiyiinta ama shaqaalaha kale ay u leeyihiin in si xor ah oo ka madax-banaan dowlada ay u sameystaan una maamushaan ay tahay mid dagaal weyn lagu hayo. “Ka sokow in ay tahay ku xadgudbid bareer ah oo xuquuqda aadanaha ah, waxaan arkaynaa masuuliyiin dowladeed oo aan ka xishoon in ay ururo u sameeyaan suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale. Masuuliyiintan waxay isu haystaan in uunanba qaban wax sharci ah ama iyagaba ay yihiin sharciga la sheegay” ayuu yiri Joel.

“Gacmaha kama taageyno, si kasto oo ay xaalada u dhib badan tahay. Waxaan sii xoojin doonaa dadaalka aan ku dooneyno in aan difaacno NUSOJ iyo ururrada shaqaalaha xorta eek a jira dalka Soomaaliya si ay u gutaan masuuliyada ka saaran in ay difaacaan xubnahooda iyo xuquuqda aadanaha” ayuu hoosta ka xariiqay Joel Odigie.

Dadkii ka qeyb galay kulankan ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in la joojiyo nidaamka hadda jira ee horey usii wada dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed. Gaar ahaan dowlada ayaa loogu baaqay in ay fuliso go’aankii hay’adda QM ee ILO ee tilmaamayay in loo baahan yahay in la abuuro guddi madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo oo baara xadgudubyada loo geystay xubnaha iyo madaxda NUSOJ kuwaasoo ILO sheegtay in dowladda lagu tuhmay dhibaateyntooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]