3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2018
Maxey isku qabteen Wasiir Xoosh iyo guddiga la socodka Dastuurka

 

Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) – Waxaa dibeda u soo baxaya khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in kalsoonida lagala noqdo Wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu wadi waayay howlihii loo idmaday.

Haddaba Xusseen Sheekh Maxuud oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ee Aqalka Sare ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa  ay eedeyntoodu ku qotonto, isaga oo sheegay in Wasiirku uusan aheyn sida uu hadalka u dhigay shaqsi lagu aami karo ama wadi kara howlaha dhameystirka Dastuurka.

‘’Waxaa leysku fahmi la’yahay geedi socodkii dib-u-eegista dastuurka, dafiraad lagu sameynayo qodobada 133 iyo 134 ee dastuurka oo cadeynaya qaabka iyo habka loo marayo dib-u-eegista dastuurka cida shaqada iska leh, intaas oo dhanna waa uu inkirsan yahay howshiisa ayaana laga dareemayaa, markii hore waad ogeedeen waxaa uu la dagaalay guddigii madaxa-bannaanaa oo uu yiri waa in meesha laga saaraa  waan ka diidnay oo baarlamaanka ayaa diiday, hadana waxaa uu isku dayay in labada guddiba uu ragaadiyo taana waa laga diiday oo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa arinka soo dhaxgalay, markii danbe oo arrimaha oo dhan laga heshiiyay waxyaabihii lagu heshiiyay waa uu fulin waayay, Miisaaniyadii uu baarlamaanku ansixiyay ayuu xitaa sharci darro ku tilmaamay, sidaa daraadeed bulshada Soomaaliyeed waxaan rabnaa in ay aragto in qofka noocaas ah aan lagu aamini karin dhameystirka howlaha dastuurka’’ ayuu yiri Xusseen Sheekh Maxamuud.

Guud ahaan wasaaradda Dastuurka ayuu ku tilmaamay in ay noqotay mid fadhiid ah, isaga oo intaa ku darray in ay tahay in Wasiirku meeshu ka baxo.

Khilaafka u dhaxeeyay guddiga dastuurka iyo sidoo kale wasaaradda ayuu sheegay Xildhibaanka in ay galeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare laakiin ay ku fashilmeen in ay xaliyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/7/2018 1:21 PM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Bali-doogle ku geeriyooday.

3/7/2018 11:45 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan Cismaan Daahir Guure ayaa VOA u sheegay in ay Al-shabaab ka soo badbaadiyeen Labo Caruur oo ka baxsaday Dugsi ay Al-shabaab ku hayeen.

3/7/2018 11:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Wasiiru dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo ambabaxeen Garoonka Balli-doogle, halkaasoo uu maanta booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed.

3/7/2018 8:56 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Xaalada degaanno dagaalo shalay ka dheceen oo ka tirsan Buuhoodle ayaa maanta degan iyadoo waxgarad iyo ciidamo dhexdhexaad ah ay ku baxeen deegaannadas.

3/7/2018 6:54 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Hay’adda Camuud Foundation ayaa maanta dawo iyo agab caafimaad gaarsiisay Isbitalka Madiina iyo Jaamacadaha Muqdisho iyo Baanadir ee Magaalada Muqdisho.

3/7/2018 4:53 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)- Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhaweeyay ilaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo celiyay dalka Libya, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

3/7/2018 4:16 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Kulan looga hadlayay xaalada xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo xoriyatul qowlka ayaa shalay lagu qabtay xarunta QM ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

3/7/2018 1:56 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Iyadoo ay jiraan magaalooyin dhowr ah oo ay godoomiyeen Al-shabaab, dhinaca kalana kordheen weerarrada lagu qaado kolanyada ciidamada AMISOM, ayeey ku dhawaaqeen saraakiisha ciidamada AMISOM in ay qaadayaan howlgalo waddo furis ah.

3/7/2018 1:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)–Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa sheegay in ay helleen ogolaasho ah in ganacsigooda kala xaajoon karaan maamulka Somaliland, sidoo kalena ay Qaadka geyn karaan deegaannada Somaliland.

3/7/2018 12:38 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Aqalka Cad ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in Gary Cohn oo ah lataliyihii dhinaca dhaqaalaha ee madaxweyne Trump uu is casilayo.

3/7/2018 12:33 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Taliyaha howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo Africom Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa shalay guddiga arrimaha ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabab ee uu taliskiisu ka wado Soomaaliya.

3/7/2018 12:18 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 5,33 Milyan oo Dollar in Mareykanka uu ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lacagtaasi oo wax lagaga qabanayo arrimaha Bani’aadanimada, Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.