4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2018
Mareykanka oo ugu deeqay lacag dhan $ 5,33 Milyan oo Dollar wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay

 

Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 5,33 Milyan oo Dollar in Mareykanka uu ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lacagtaasi oo wax lagaga qabanayo arrimaha Bani’aadanimada, Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Rex Tillerson oo dhowaan socdaal ku tagaya Lix dal oo ka mid ah Afrika ayaa hadalkiisa ku dhaliilay dalka Shiinaha oo uu ku tilmaamay in Africa uu ku yeelanayo Lug aad u balaaran, islamarkaana wadamada qaarada u horseeday deyn fara badan.

Waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu ka qeyb qaadan doono islamarkaana uu ka taageeri doono arrimaha la xiriira la dagaalanka Musuq maasuqa iyo in hay’adaha Dowladda ee Qaarada ay noqdaan kuwa Mareykanka uu gacan ka geysto.

Talaabadan ayaa u muuqata mid ka mid ah Talaabooyinka ugu waa weynaa ee qaabilsan Qaaradda Afrika ee uu ku dhaqaaqo xukunka madaxweyne Donald Trump.

Sanadkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa waxa uu sheegay inuu la laaban doono taageerada hanaanka nabadgelyada ee Qaramabda Mdidoobay, wuxuuna tilmaamay in hannaankaasi uu inta badan ku keenayo in dhaqaalaha Mareykanka oo keliya la adeegsado

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]