Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan Cismaan Daahir Guure ayaa VOA u sheegay in ay Al-shabaab ka soo badbaadiyeen Labo Caruur oo ka baxsaday Dugsi ay Al-shabaab ku hayeen.
Dhalin-yaradan ayaa la sheegay inay kasoo tageen degaanka Luuq Dhurwaa oo u dhexeeya Buula-barde iyo Beledweyne, waxaana la sheegay inay ku xaraysanaayeen illaa iyo 100 Carruur ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay n waayadaan ay soo badatay Carruurta la’ Afduubta islamarkana ay Al-Shabaab ku xareeyaan Xerooyin kadibna ay u tababaraan in ay dagaalamaan.
‘’Caruurtan iyaga ayaa markii hore ka soo baxsaday, markii aan ka war helnay gadiid ayaa u dirnay halka ay jooga soo qaaday’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Buula-burte.
Deegaannada hoostaga degmada Buula-burte waxaa muddo dheer maamulaya Al-shabaab oo meelaha qaar go’doomin ku haya isku socodka dadka iyo gadiidka doonaya in ay gudaha u gallaan Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]