
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Xaalada
degaanno dagaalo shalay ka dheceen oo ka tirsan Buuhoodle ayaa maanta degan
iyadoo waxgarad iyo ciidamo dhexdhexaad ah ay ku baxeen deegaannadaas.
Deegaanka Gocondhaale ayaa la sheegay
in uu ka dhacay barakac baahsan, iyadoo xiligan lagu jiro biyo La'aan baahsan.
Qasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay
ayaa la sheegay in uu sababay 2 qof oo dhimasho ah soda uu HOL u xaqiijiyey
Maxamuud Cige oo ka mid ahaa dadkii dhexdhexaadinta u tegey.
Cige waxa uu intaas ku daray
in dhibaato xooglihi ka taagan tahay dadka rayidka ah ee colaada la
geliyey iyagoo dhibaato la tiicayey abaartu sababtay.
"Dadka Gocondhaale degan
dhamaantood waa dadkii xooluhu ka dhamaadeen, hadana colaad baa loogu daray
xalkeeduna waa ha dhamaadaan" ayuu yidhi Cige isagoo intaas Ku daray in ay
dadaal wadaan.
Labada beelood ee haatan
colaadu ka dhex bilaqbantay ayaa dagaal aad loogu hoobtay 11 sano ka hor
ku dhex maray Buuhoodle taas oo si dhib ah lagu soo afjaray, taas oo
keentay in cabsi laga qabo colaada labada beelood.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool.