9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2018
Dawo iyo Agab caafimaad oo la guddoonsiiyay Isbitaalka Madiina


Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Hay’adda Camuud Foundation ayaa maanta dawo iyo agab caafimaad gaarsiisay Isbitalka Madiina iyo Jaamacadaha Muqdisho iyo Baanadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu wareejinayay Dawo iyo Agab caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Isbitaal Madiina waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Isbitaalka.

Deeqdan dawada ah oo ay soo dhiibeen Muslimiin ku dhaqan Waqooyiga Ameeraca islamarkaana ay u soo Wakiisheen Hay’adda Camuud Foundation ayaa lagu wareejiyay Wasaarada Amniga iyo Maamulka Gobolka iyagoo dhinacooda ku sii wareejiyay maamulka Isbitaalka Madiina.

Mas'uul ka tirsan Hay'adda Camuud Foundation Cabdikariin Sheekh Mukhtaar  oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in isbitaalka Madiina iyo Jaamadcadaha Muqdisho iyo Banaadir ay ugu deeqday Camuud Founadition Agabkan caafimaad waxuuna cadeeyay in agabkan uu yahay ilaa 2 konteenar oo isugu jiro Dawo iyo Qalab caafimaad kuwaasi oo ay wakiil uga yihiin Muslim Community ee Waqooyiga Ameerica.

Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Agabkan maanta loogu deeqay Isbitalka Madiina iyo qeybaha waxbarashada ee Jaamacadaha Muqdisho iyo Banaadir waxuuna intaasi ku daray in tani ay muhiin u tahay bulshada Soomaaliyeed mid wax weyn loogu qaban doono.

Dr Yusuuf ayaa wuxuu sidoo kale Mas'uuliyiinta Dowlada ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii dalka oo dhan qalankan oo kale loo wada gaarsiin lahaa si buu yiri aan ula tartano dalalka hormaray.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Dr Cabdinaasir Saciid Muuse oo isna gababada munaasabadan ka hadlay ayaa waxuu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo qeyb galo wareejinta agabyadan caafimaad ee loogu talo galay arrintii xanuunka badneyd ee umada soomaaliyeed ka soo gaartay dhacdadii 14kii octobar.

Wasiir ku-xigeenka ayaa dhinaca kale u mahad celiyay qeybihii sida weyn u soo shaqeeyay arrinkan waxuuna intaasi ku daray in ay dhiiro galinayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed in ay dadaal weyn galiyaan arrimaha ceynkan oo kale ah si isku filaan ay u gaarto umada soomaaliyeed.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Dawo iyo Agab caafimaad la gudoonsiiyo Isbitalka Madiina iyo sidoo kale Jamaacadaha Muqdisho iyo Banaadir walow tani ay ku soo aadeyso xilli aad ay u jirto baahiyo Agab caafimaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/7/2018 1:21 PM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Bali-doogle ku geeriyooday.

3/7/2018 11:45 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan Cismaan Daahir Guure ayaa VOA u sheegay in ay Al-shabaab ka soo badbaadiyeen Labo Caruur oo ka baxsaday Dugsi ay Al-shabaab ku hayeen.

3/7/2018 11:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Wasiiru dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo ambabaxeen Garoonka Balli-doogle, halkaasoo uu maanta booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed.

3/7/2018 8:56 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Xaalada degaanno dagaalo shalay ka dheceen oo ka tirsan Buuhoodle ayaa maanta degan iyadoo waxgarad iyo ciidamo dhexdhexaad ah ay ku baxeen deegaannadas.

3/7/2018 4:53 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)- Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhaweeyay ilaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo celiyay dalka Libya, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

3/7/2018 4:16 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Kulan looga hadlayay xaalada xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo xoriyatul qowlka ayaa shalay lagu qabtay xarunta QM ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

3/7/2018 1:56 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Iyadoo ay jiraan magaalooyin dhowr ah oo ay godoomiyeen Al-shabaab, dhinaca kalana kordheen weerarrada lagu qaado kolanyada ciidamada AMISOM, ayeey ku dhawaaqeen saraakiisha ciidamada AMISOM in ay qaadayaan howlgalo waddo furis ah.

3/7/2018 1:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)–Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa sheegay in ay helleen ogolaasho ah in ganacsigooda kala xaajoon karaan maamulka Somaliland, sidoo kalena ay Qaadka geyn karaan deegaannada Somaliland.

3/7/2018 1:20 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)–Waxaa dibeda u soo baxaya khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

3/7/2018 12:38 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Aqalka Cad ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in Gary Cohn oo ah lataliyihii dhinaca dhaqaalaha ee madaxweyne Trump uu is casilayo.

3/7/2018 12:33 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Taliyaha howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo Africom Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa shalay guddiga arrimaha ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabab ee uu taliskiisu ka wado Soomaaliya.

3/7/2018 12:18 AM EST
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 5,33 Milyan oo Dollar in Mareykanka uu ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lacagtaasi oo wax lagaga qabanayo arrimaha Bani’aadanimada, Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.