4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2018
AMISOM iyo ciidamada dowladda oo iska kaashanaya howlgalo waddo furis ah

 

Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Iyadoo ay jiraan magaalooyin dhowr ah oo ay godoomiyeen Al-shabaab, dhinaca kalana kordheen weerarrada lagu qaado kolanyada ciidamada AMISOM, ayeey ku dhawaaqeen saraakiisha ciidamada AMISOM in ay qaadayaan howlgalo waddo furis ah.

Colonel Wilson Rono ayaa sheegay in ay qorsheynayaan dib u furista waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo inta badan Al-shabaab ka geystaan weerarro dhabo-galo ah.

Wilson Rono ayaa sheegay in Al-shabaab looga adkaaday magaalooyinka, laakiin taa badalkeeda isku dayayaan in ay qaadaan weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwa gaadmo ah, laakiin wixii hadda ka danbeeya u diyaargaroobeen in laga nadiifiyo sida uu hadalka u dhigay deegaannada ay ku harsan yihiin.

Jimcihii ina dhaafay ee todobaadkii hore ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weeraro culus ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo khasaare ballaaran ay kala kulmeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Isla maalintaa Al-shabaab waxaa ay weerar ismiidaamin ah ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Laakiin AMISOM ayaa dhinaceeda sheeganeysa in dagaalo ay la galleen Al-shabaab ku dileen tiro ka badan 30 dagaalyahan, islamarkaana bur buriyeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]