
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Taliyaha howlgalka
ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo Africom Gen. Thomas D.
Waldhauser ayaa shalay guddiga arrimaha ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee
Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabab ee uu taliskiisu
ka wado Soomaaliya.
Gen Thomas ayaa waxa uu sheegay Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya in uu qeyb
ka yahay dadaalada caalamiga ah ee lagu caawinayo Soomaaliya, si dadka
Soomaaliyeed ay u dhameystirtaan dhismaha Ciidanka Qaranka.
Wuxuu sheegay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin Soomaaliya iyo gobolka, isaga
oo tusaale u soo qaatay qaraxii 14-kii October sanadkii hore ka dhacay isgoyska
Zoobe , kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo ruux.
“Ma dhahayo qatar way dhamaatay laakiin inaga oo ku saleyneyna qaar ka mid
ah howlaha aan qabanay oo ay barbar socdaan wada shaqeynta saaxiibadeena kale
ee caalamka ayaan waxa aan dhihi karnaa taasi waxa ay sababtay in Shabaab ay
maamulaan dhul yar, 14-kii October waxaa jiray qarax weyn oo ka dhacay
Muqdisho, kaddib waxaa ay maqnaayeen Afar bil hadana dhamaadkii February
Muqdisho ayeey qarax ka geysteen, weli kooxdan si buuxda loogama guuleysan,
laakiin waxaa aan rabno hada ayaa ah in ciidamada qalabka ay sida ay maareeyaan
sifeynta kooxdan.
Taliyaha ayaa meesha ka saaray sheegashada ah in weerarkii Bariirre ka
dhacay sanadkii hore ay ku dhinteen dad rayid ah oo ay ka mid ahaayeen Dumar iyo
Carruur, isaga oo intaa ku daray in baaritaan arintaa lagu sameeyay lagu
ogaaday in taasi aysan aheyn wax dhacay.
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa ka
taageera Ciidamada Dowladda Federaalka dhinacyada tababarka iyo Howlgalka ka
dhanka ah Al-shabaab.
Mareykanka, ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay ka
gaysanyaan Koonfurta Soomaaliya, iyaga oo dilay Saraakiil badan oo Shabaab ka
tirsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]