4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2018
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamaya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Towane Axmed Gurey oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in howlgalo ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al-shabaab kala wareegeen fariisimo ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Hiiraan.

‘’Dagaal ayaa socda u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab, maanta waxaa lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku teedsan dhulka buuraleyda ah ee isku xira degmooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayuu sheegay in ciidamada dowladda ay ku wahlinayaan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Howlgalkan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka wadan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili dagaalyaano ka tirsan ururka Al shabaab oo ka soo cararay qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka ay saldhigyo ka dhigteen deeganno ka tirsan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].