4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2018
Machadka Hano Academy oo qabtay Mashruuc lagu tabarucayo dadkii ku wax yeeloobay Qaraxii Zoobe


Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Falalka Bani’adaannimo waxaa ay kaalin weyn ka qaataan mar walba yareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo masiibooyinka sida Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay ku nafwaayeen dad ka badan 500 oo ruux.

Qaraxaas ayaa sababay in Carruur badani ku agoontoobaan, Waalidiin badanina ay carruurtoodii ku waayeen iyo Aabayaal xaasaskoodii waayay, waxaana uu sidoo kale Mustaqbalka Carruur badan ka dhigay mid hubaal la’aan ah.

Hadaba iyada oo taa laga anbaqaadayo Hano Academy ayaa bilaawday mashruuc lagu caawinayo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii 14ka Oktobar kaa oo lahaa ilaa Afar qeybood oo kala duwan.

Wajiga hore ee mashruucan ayeey Hano Academy ku caawisay qaar ka mid ah Qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay lacago loo soo mariyay Telleefoonnadooda gacanta.

Sidoo kale Hano Academy ayaa si loo soo nooleeyo Rajada qaar ka mid ah dadkii ay wax yeelladu soo gaartay waxaa ay deeq Waxbarasho siisay 12 Carruur ah iyo Ganacsi yar yar oo loo abuuray Qoysaskii ay wax yeeladu soo gaartay waxaana taa barbar socday tababaro dhinaca shaqada ah oo la siinayo dadkii nasiibka u helay shaqo abuurkan si ay uga faa’ideytaan Ganacsigooda dibna ugu soo ceshan lahaayeen nolashoodii hore ee ka bur-burtay.

‘’Marka la eego Muddada diyaar-garoowga iyo adeega Maareynta Masiibooyinka oo ay bixisay Machadka Hano Academy waa mid aad muhiim u ah waxaana ay gacan ka geysan doontaa yareynta Masiibooyinka sida dhacdadii Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ayuu yiri Dr Maxamed Cismaan oo ka socday wasaaradda Caafimaadka kana tirsanaa Dhakhaatiirtii ka howlgashay Qaraxii Zoobe.

Mashruucan ayaa waxaa ka qeybgalay soo gudbintiisa Aqoonyahanno, bulshada rayidka, shaqaalaha bani'aadamnimada, dadka caafimaadka ka shaqeeya, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Bani'aadamnimada & Maareymta Masiibooyinka Prof Ismaacil Olow, Wasaaradda Caafimaadka iyo Isgaarsiinta (Axmed Cilmi), Agaasimaha Adeegga Gurmadka Banaadir Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Somali National TV iyo Radio Mr. Liibaan Cabdiqaadir.

Sidoo kale  Machadka ayaa gobolka Banaadir u tababaraya 50 qof oo xiriir la leh ka jawaab celinta Maareynta Masiibooyinka sida Dabdemiyeyaasha, Dhakhaatiirta Gargaarka degdega ah ee Caafimaadka (EMTs) iyo  shaqaalaha Caafimaadka,  Kalkaaliyeyaasha, Saraakiisha Taraafikada iyo kuwa Booliiska ee Muqdisho ayeey tiri "  Dr Sadiyo Siad oo Hiiraan Online la hadashay.

Mashruucan oo noqonaya kiisii ugu horeeyay ee ugu ballaarnaa marka la eego saameynta dhaqaale iyo nolaleed ee Qaraxii Zoobe ayaa waxaa ka mahad celiyay dadkii ka faa’ideystay oo sheegay in gurmadka noocan oo kale ah wax weyn ka tarayso nolashooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]