6/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2018
Dowladda oo lagu eedeeyay barakicinta qoysas barakacayaal ah oo ku noolaa dulleedka Muqdisho


 

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) - Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federalka ku eedeeyay in ay barakicineyso dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Dalada ayaa lagu sheegay in 21 degaan oo hoy u aheyd in ka badan 5,807 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa.

Sidoo kale Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa sheegay barakicinta lagu hayo barakacayaasha ku nool duleedka Muqdisho in aysan aheyn kuwo waafaqsan sharciga dhowrista xuquuqda aadanaha.

“Waxaan aad uga murugeysanahay dhibaatadan, iyada oo aan lahayn ogeysiis hore oo ku saabsan dadka barakacayaasha ah, qaar ka mid ah dadkan barakacayaasha ah waxa ay ka yimaadeen meelo fog, iyaga oo ka soo cararay Abaar iyo Colaad”. Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay ururka.

2-dii January 2018 Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa sheegay in burburin lagu haayo dhismayaasha barakacayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakacayaaha degaanka KM-13. wuxuuna ku baaqay in arrintaasi muhiim ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo.

In ka badan laba Milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan Soomaaliya guud ahaan abaarta iyo iskahorimaadka, oo ay ku jiraan hal Milyan oo qof oo cusub oo barakacay 2017 oo keliya, taas oo ka dhigan Saddex-meelood hal meel 6.2 Milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].







Click here
1/9/2018 11:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –ilaa 48-qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqdaasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar

1/9/2018 10:54 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.

1/9/2018 9:32 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)–Falalka Bani’adaannimo waxaa ay kaalin weyn ka qaataan mar walba yareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo masiibooyinka sida Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay ku nafwaayeen dad ka badan 500 oo ruux.

1/9/2018 9:01 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Towane Axmed Gurey oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in howlgalo ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al-shabaab kala wareegeen fariisimo ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Hiiraan.

1/9/2018 8:28 AM EST
Maalintii shalay oo ku aadanayad Isniin Janaayo 08, 2018, ayaa lagu qabtay xarunta laga xukumo magaalada Minneapolis xaflada munaasabadda dhaarinta iyo caleema saarka madaxda magaaladan hogaamin doonta affarta sano ee inagu soo aadan, kuwaas oo la doortay bishii bilawgii bishii November ee sanadkii ina dhaafay. Xafladdaan ayaa ahayd mid xiisa badan kana duwanayd xafladahii hore.

1/9/2018 3:53 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay kaddib Bam ganacmeed lagu weeraray fariisin ay ku sugnaayeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/9/2018 12:58 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo saakay ka dhacay Waddada Warshadaha ee magalada Muqdisho, waxaana Qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska.

1/9/2018 12:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Puntland soo galleen sida uu hadalka u dhigay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ka ah duqeymaha cirka.

1/9/2018 12:20 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)–Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa billaabay wadahadallo heer sare ah, kaas oo noqonaya midkii koobaad ee ay dalalkaasi yeeshaan muddo labo sano ah.

1/9/2018 12:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Iyadoo habeennimadii xalay uu qorshuhu ayaa in magaalada Garoowe lagu qabtay munaasabada Sanad-Guuradii Afaraad maamulka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa loo baajiyay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaannada u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

1/9/2018 12:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee dowlad gobolleedka Puntland Cumar Fara-weyne ayaa sheegay in la joojiyay gadiidkii rayidka ee isaga kala gudbi jiray deegaannada Puntland iyo Somalland, waxaana uu intaa ku daray in loo ogol yahay oo kaliya dhaqdhaqaaq gadiidka mas’uuliyiinta iyo kuwa ciidamada.