Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo deeq Lacageed Gaarsiiyay Caruur isugu jirta Agoon iyo danyar (Video)
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –ilaa 48-qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqdaasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar
Goobta deeqdan lacagta ah lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Caruur Agoon ah oo uu gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ka bixiyo qarashaadka waxbarashada iyo eheladooda,waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdan ka faa’ideysaatay ay gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka uga mahad celiyeen deeqdan iyo sida uu caruurtan u taageero,waxayna ka codsadeen in uu sii laba laabo
Maxamed Maxamud Barre oo ku hadlayay magaca hay’adda Towqiif Foundation oo ka wakiil aheyd gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in deeqdan ay u qeybiyeen sidii loogu tala galay.
Mustaf Husein
Mustafa@hiiraan
More News
- Madaxweyne Farmaajo “Rajada aan qabo waxa ay tahay in ardayda waxbaratay ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalka"
- Machadka Hano Academy oo qabtay Mashruuc lagu tabarucayo dadkii ku wax yeeloobay Qaraxii Zoobe
- Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamaya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan
- Cabdi Warsame iyo Madaxda Dhiggiisa ah oo Munaasabada Caleema Saarkooda Lagu Qabtay Minneapolis, Madaxa Maaliyada MPLS na Noqday
- Bam Gacmeed lagu weeraray fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen Beledweyne
- Qarax saakay ka dhacay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho
- Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Puntland ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab baxsad ah
- Labada Kuuriya oo wadahadallo heer sare ah ka yeeshay Olimbigga
- Dib u dhac xalay ku yimid munaasabada Sanad-Guuradii Afaraad markii la doortay madaxweyne Gaas
- Isku socodkii gaadiidka rayidka deegaannada Somaliland iyo Puntland oo la joojiyay
- Dowladda oo lagu eedeeyay barakicinta qoysas barakacayaal ah oo ku noolaa dulleedka Muqdisho