4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2018
Labada Kuuriya oo wadahadallo heer sare ah ka yeeshay Olimbigga

 

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa billaabay wadahadallo heer sare ah, kaas oo noqonaya midkii koobaad ee ay dalalkaasi yeeshaan muddo labo sano ah.

Kulankan ayaa billawday 10:00 saacada deegaankaas wuxuuna ka dhacay Guriga Nabadda ee ku yaalla tuulada wada xaajoodka ee Panmunjom.

Wadahadalladan ayaa diiradda saari doona macquulnimada sidii Kuuriyada Waqooyi ay uga qaybqaadan lahayd ciyaaraha Olimbigga ee xilaga qaboobaha ee 2018ka, kaas oo bisha labaad ka dhici doona Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in ay soo hadal qaadi doonto sidii calaaqaadka labada dal loo hagaajin lahaa.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer.

Dhacdadaas ayaa keentay in Kuuriyada Waqooyina ay jarto xiriirkii isgaarsiineed ee kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.

Bishii Diseembar ee 2015kii ayaa ugu dambaysay wadahadal heer sare ah oo ay labada dal yeeshaan.

Xiisadda labada dal u dhaxaysana cirka ayay isku sii shareertay muddo sannado ah iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo hormarinta barnaamijyadeeda hubka ee la mamnuucay.

BBC