Cabdi Warsame iyo Madaxda Dhiggiisa ah oo Munaasabada Caleema Saarkooda Lagu Qabtay Minneapolis, Madaxa Maaliyada MPLS na Noqday
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Maalintii shalay oo ku aadanayad Isniin Janaayo 08, 2018, ayaa lagu
qabtay xarunta laga xukumo magaalada Minneapolis xaflada munaasabadda
dhaarinta iyo caleema saarka madaxda magaaladan hogaamin doonta affarta
sano ee inagu soo aadan, kuwaas oo la doortay bishii bilawgii bishii
November ee sanadkii ina dhaafay. Xafladdaan ayaa ahayd mid xiisa badan
kana duwanayd xafladahii hore.
Magaalada Minneapolis waxa
ay ka koobantahay 13 degmo, Isniintii shalayna waxaa si wadar ah loo
dhaariayay duqa magaalada Minneapolis loo doortay ee Jakab Frey iyo
sidoo kale sedex iyo toban ka gudoomiye kuwaas oo laga soo doortay 13-ka
degmo ee magaaladu ay ka koobantahay. Golahaan waxaa ka mid noqday sanadkaan saddex shakhsi oo ka soo jeeda qawmiyada dadka madaw, meesha
kalkii hore Abdi Warsame kaliya uu kaga jiray muwaadiniinta madow.
Abdi
Warsame oo markii labaad dib loogu soo doortay guddoomiyaha degmada
6-xaad afar sano oo hor leh, ayaa HOL u sheegay in doorashadaan uu ku
soo baxay ay ahayd doorasho aad u adeg, oo ay ka soo hor jeesteen 6
xildhibaan oo magac dheer iyo miisaan culus ku leh gobolkaan Minnesota.
Xildhibaanadan oo ku maray wacad in Abdi marnaba aanu dib u soo bixin,
ayaa dadaalkoodii uusan u shaqayn sidii ay rabeen. “Doorashadan waxa ay
ahayd doorasho adeg, waxa ay na ku soo toostay xilli dabaylo siyaasadeed
ay ka jiraan dalka guud ahaan”, ayuu yiri Abdi. Isaga oo ku sii
nuuxnuuxsaday ayaa waxa uu ku daray, “waxa ay ahayd xilli dadka soo
galootiga ah lagu hayo ilo gaar ah”.
Xafladan
waxaa ka soo qayb galay madax iyo shacab badan kuwaas oo ay ka muuqatay
taageero, farxad, raali ahaansho iyo qanaaco ay ku qabaan madaxdan
cusub oo ay iyagu soo doorteen. Jacob Frey waa shakhsi dhalin yaro ah
kaa soo loo doortay duqa magaalada Minneapolis, isla markaana shalay
lagu dhaariyay isla madasha ayaa madasha ka akhriyay khudbad taariikhi
ah aadna u qiiro badan.
Kadib goortii ay dhammaatay munaasabddii
dhaarinta, ayaa mas’uuliyiinta la doortay ay guda galeen magacaabidda
manaasib gaar ah, sida madaxweynha guddiga guddoomiyaasha degmooyinka
magaalada, ku xigeenkeeda iyo miisaaniyadda, isla markaana, Abdi Warsame
ayaa noqday madaxa miisaaniyadda iyo dhaqaalaha magaalada Minneapolis
middaas oo ka dhigaysa masuulka ugu awoodda badan dhinaca dhaqaalaha
gobolka Minnesota guud ahaan maadaama ay ay Minneapolis Mn ugu dhaqaalo badan tahay.
Afar sano ka hor ayay
ahayd goortii loo doortay xilkan Abdi Warsame. Isla jagadii ayaana mar
kale dib loogu soo doortay. Waxaana laga sugayaa in balanqaadyadii uu
sameeyay goortii uu ku jiray tartanka doorashada uu fuliyo.
Ugu
danbayntii, waxaa uu doono ha aaminsanaado madaxweynaha dalkan
Mareykanka Donald Trump, ee tirade dadka madaw iyo muslimiinta ka soo
dhalaalaya jagooyinka iyo kuraasta hogaanka dalkan ayaa soo kordhaya
marba marka ka danbaysa. Abdi Warsame ayaana noqanaya tusaale iyo
farriin farxad galinaysa mustaqbalak dhalinyarada Soomaaliyeed ee iminka
aadda wax barashada.
Siyad Said Salah&Mohamud Dulyadey
hiiraan online
Minneapolis MN