6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2018
Bam Gacmeed lagu weeraray fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen Beledweyne

 

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay kaddib Bam ganacmeed lagu weeraray fariisin ay ku sugnaayeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saddexda Askari ee dhaawacmay ayaa mid ka mid ah la sheegay in dhaawaciisu yahay mid culus, halka labo kalana ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Caga-Joof ayaa sheegay in Bam Gacmeed uu dhawac fudud u ka soo gaaray Askar ka tirsan ciidamada booliska oo farisiinka ku sugnaa islamarkana lagu dabo joogo ciddii ka dambeysay Bam-Gacmeedkan.

Ciidamada dowladda ayaa xiliyada habeenkii fariisimo ka sameystay Koontaroolada soo galla magaalada iyo Isgoosyada muhiimka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].













Click here
1/9/2018 11:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –ilaa 48-qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqdaasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar

1/9/2018 10:54 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.

1/9/2018 9:32 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)–Falalka Bani’adaannimo waxaa ay kaalin weyn ka qaataan mar walba yareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo masiibooyinka sida Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay ku nafwaayeen dad ka badan 500 oo ruux.

1/9/2018 9:01 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Towane Axmed Gurey oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in howlgalo ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al-shabaab kala wareegeen fariisimo ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Hiiraan.

1/9/2018 8:28 AM EST
Maalintii shalay oo ku aadanayad Isniin Janaayo 08, 2018, ayaa lagu qabtay xarunta laga xukumo magaalada Minneapolis xaflada munaasabadda dhaarinta iyo caleema saarka madaxda magaaladan hogaamin doonta affarta sano ee inagu soo aadan, kuwaas oo la doortay bishii bilawgii bishii November ee sanadkii ina dhaafay. Xafladdaan ayaa ahayd mid xiisa badan kana duwanayd xafladahii hore.

1/9/2018 12:58 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo saakay ka dhacay Waddada Warshadaha ee magalada Muqdisho, waxaana Qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska.

1/9/2018 12:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Puntland soo galleen sida uu hadalka u dhigay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ka ah duqeymaha cirka.

1/9/2018 12:20 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)–Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa billaabay wadahadallo heer sare ah, kaas oo noqonaya midkii koobaad ee ay dalalkaasi yeeshaan muddo labo sano ah.

1/9/2018 12:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Iyadoo habeennimadii xalay uu qorshuhu ayaa in magaalada Garoowe lagu qabtay munaasabada Sanad-Guuradii Afaraad maamulka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa loo baajiyay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaannada u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

1/9/2018 12:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee dowlad gobolleedka Puntland Cumar Fara-weyne ayaa sheegay in la joojiyay gadiidkii rayidka ee isaga kala gudbi jiray deegaannada Puntland iyo Somalland, waxaana uu intaa ku daray in loo ogol yahay oo kaliya dhaqdhaqaaq gadiidka mas’uuliyiinta iyo kuwa ciidamada.

1/9/2018 12:04 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)-Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federalka ku eedeeyay in ay barakicineyso dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.