Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Puntland ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab baxsad ah

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in
deegaanno ka tirsan Puntland soo galleen sida uu hadalka u dhigay dagaalyahanno
ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ka ah duqeymaha cirka.
‘’Dhibta Al-shabaab ay ku hayaan Koonfur meel walba wuu yaalaa, hadda waxaa
ay bilaabeen markii ay culeys dareemaanba in ay aadaan meelaha ay is leeyihiin
waad ku nabad-galeysaan, sida Shabaabka hadda ku dhuumaaleysanaya oo kale
deegaannada Puntland’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada intaba isku
mowqif laga yahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
‘’Al-shabaab in lala dagaalamo isku mowqif ayaan ka nahay haddii ay joogaan
Koonfurta Soomaaliya iyo haddii ay joogaan Puntland intaba, sidaa daraadeed
waan in aan Amniga ka wada shaqeyno ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Marka laga soo tago deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya xoogagga
Al-shabaab ayaa dagaal ba’an kula jira ciidamada Puntland, iyaga oo marar badan
oo hore sheegtay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka dhacay qeybo ka mid ah
Puntland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].