4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2018
Dib u dhac xalay ku yimid munaasabada Sanad-Guuradii Afaraad markii la doortay madaxweyne Gaas

 

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Iyadoo habeennimadii xalay uu qorshuhu ayaa in magaalada Garoowe lagu qabtay munaasabada Sanad-Guuradii Afaraad maamulka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa loo baajiyay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaannada u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Dagaal culus oo khasaare nafeed sababay ayaa maalintii shalay ku dhaxmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan deegaanka Tukaraq kaddib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Somaliland.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa ku baxay deegaanka, waxaana la soo sheegayaa in xiisad dagaal ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Munaasabada Sanad-guuradii Afaraad ee ka soo wareegtay markii la doortay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka qeybgali lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo ku sugan magaalada Garoowe.

Sidoo kale, waxaa lagu martiqaaday oo Garoowe u tagay ka qeybgalka munaasabada marti-sharaf kala duwan oo isaga kala timid dalka gudihiisa iyo dibeda intaba.

Waxaa la mamnuucay gebi ahaanba isu socodka gaadiidka xamuulka iyo rakaabkaba ee isaga kala gooshi jirey Puntland iyo Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].