Isku socodkii gaadiidka rayidka deegaannada Somaliland iyo Puntland oo la joojiyay

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka
Nuugaal ee dowlad gobolleedka Puntland Cumar Fara-weyne ayaa sheegay in la
joojiyay gadiidkii rayidka ee isaga kala gudbi jiray deegaannada Puntland iyo
Somalland, waxaana uu intaa ku daray in loo ogol yahay oo kaliya dhaqdhaqaaq gadiidka mas’uuliyiinta
iyo kuwa ciidamada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee ka soo jeeda Somaaliland ee doonaya in ay soo galaan
Puntland waddadu u furan tahay, kuwa hadda jooga Puntland ee ka soo jeeda Soomaaliland-na wax dhibaato ah la kulmi doonin.
‘’Cid kasta oo ka imaneysa Somaliland waddadu wey u furan tahay, dadka hadda ku sugan Puntland ee ka soo jeeda
Soomaaliland iyaguna waa joogi karaan oo Soomaalinimo ayaa loo ogol yahay,
laakiin xaalado ayaa jira, inta xaaladahaa taagan yihiin yihiin waddadu wey
xiran tahay ilaa amar danbe ayuu yiri’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Sababta loo xiray isku socodka dadka iyo gadiidka
deegaannada Puntland iyo Soomaaliland ayuu ku micneeyay guddoomiyaha xiisasdaha
colaadeed ee soo cusboonaaday, isaga oo sheegay in ay ka foojigan yihiin in dad
rayid ah la wax yeelleeyo.
Dad badan ayaa qaba in xiisadan ay ka dhalatay socodaalkii uu dhawaan Wasiirka Qorsheynta dowladda
federaalka uu ku tagay degaanno ka
tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, taasoo sababtay in shalay labada maamul uu dagaal ku dhexmaro
degaanka Tukaraq.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].