4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Guddoomiyaha degmada Xamar-Weyne oo eedeymo culus loo heysto

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha degmada Xamar –Weyne Cumar Shariif Maye ayaa lagu soo oogayaa dacwad ka dhan ah in uu gafay Booliiska Soomaaliyeed iyo xukuumadda uu madaxda ka yahay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

War-qad uu ku saxiixan yahay ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Xusseen Maxamed Nuur ayaa shaqada looga joojiyay Shariif Maye, oo galinkii danbe ee shaleyna su’aalo lagu weydiiyay xarunta CID.

Guddoomiyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa ku eedeysan in uu "si bareer ah uga been sheegay booliska Qaranka, kuna tilmaamay in aan lagu aamini karin amniga dalka, ayna iyagu keenaan qaraxyada".

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay "in maamulka gobolka Banaadir uu ka jiro musuqmaasuq, xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre-na uu ku tilmaamay in ay tahay xukuumadda ugu musuqmaasuqa badan & in dalka aysan wax dawlad ah ka jirin".

Guddoomiyaha oo cod laga duubay lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa weerar afka ah ku qaaday ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in aysan u qalmin ciidamo Qaran lana aamini karin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]