4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Dagaal Laba beelood u dhexeeya oo ka socda koonfurta gobolka Sool

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Labo Qof ayaa ku dhintay dagaal la  sheegay in uu hada ka socdo deegaanka Dan-dan oo hilaadii 40km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay Jiraan 5qof oo kale oo dagaalkaasi ku dhaawacmay Ilaa iyo hadana uu socdo, isu ciidansi xooglana laga abaabulayo deegaanada ay u kala dhasheen labada beelood ee dhibtu ku dhex aloosantahay.

Faysal Jaamac Aadan Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta ayaa HOL u xaqiijiyay in ciidamo Kala dhex gala labada dhinac loo diray hase yeeshee aysan wali gaadhin.

Colaadan soo cusboonaatay ayaa hadal haynteedu Ilaa xalay ku badnayd gobolka taasi oo walaac laga muujinayo madaama an mudo dheer laga joogin heshiis ay kala qaateen labada beelood.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan online.

[email protected].

Laascaanood, gobolka Sool.